Asturnaanta

Gudaha Biljimka, asturnaantaada iyo nolosha qoyskaaga waa la ixtiraamaa. Mararka qaarkood kaliya, tusaale ahaan marka qof ku jiro xaalad degdeg ah, qof ayaa soo farogelin kara noloshaada gaarka ah.

Xajinta sirta

Waxaad u sheegi kartaa sir dhakhtarkaaga ama shaqaalahaaga bulshada. Cidna uma sheegi karaan sirtan. Kaliya marka qof ku jiro xaalad degdeg ah, ayay jebin karaan xajinta sirta.

Sawirada iyo fiidiyowyada

Sawirada iyo fiidiyowyada adiga ama dadka kale leeyihiin waxaa ku xiran xuquuq muuqaaleed. Tani waxay ka dhigan tahay in sawir kasta oo qof laga qaadayo, inaad ka heshaa oggolaansho qofka (dadka) aad rabto inaad sawirto ama duubto. Dadka kale waa inay oggolaansho ku weydiistaan ka hor inat aysan ku sawirin ama duubin.

Oggolaanshaha in qof la sawiro ama duubo loo lama jeedo inaad u siiso oggolaansho isticmaalka iyo wadaagida sawirka ama fiidiyowga markaa ka bacdi.

Si aad midaan u sameyso, waa inaad sidoo kale oggolaansho siisaa ama waydiisataa qofka ku jira sawirka ama fiidiyowga.

Qaadida sawir

Xogtaada gaarka ah

Dadka kale waxay uruurin, isticmaali, iyo diri karaan xogtaada gaarka ah haddii aad siiso oggolaansho ay sidaas ku sameeyaan. Mararka qaarkood, hay'ad ma u baahna inay oggolaansho ku weydiisato. Tusaale ahaan, haddii hay'ad dawladeed aysan fulin karin waajibaadkeeda bilaa macluumaadkan ama hadduu sharciga lagu dabaqi karo.

Tusaalooyinka qaar:

  • macluumaadka aad siiso DVZ/OE iyo CGVS/CGRA
  • qalabka jirka lagu baaro ee yaala madaarka (loogu talagalay ammaanka)
  • la wadaagida nooca dhiigaaga si laguugu sameeyo qalliin (loogu talagalay caafimaadkaaga)

Xuquuqdaada

Haddii aad oggolaatay uruurinta, isticmaalka ama dirida xogtaada gaarka ah, waad ka noqon kartaa oggolaanshahaaga waqti kasta. Waqtigaasna xogtaada waa la tirtirayaa.

Waad waydiin kartaa hay'ad kasta macluumaadka ay kaa hayaan. Waxaad sidoo kale weydiin kartaa waxa ay ku sameeyaan xogtaada. Hay'ad kasta waxaa mas'uuliyad sharci ah ka saaran inay kuu sheegto midaan.

Gurigaaga iyo waraaqo is-dhaafsiga

Gurigaaga iyo waraaqo is-dhaafsiga (boostada, waraaqaha) waa kuwo kuu gaar ah. Dawladda waxay faragelin kartaa oo kaliya:

  • haddii ammaanka dadweynaha ama fayoqabka dhaqaale halis ku jiraan
  • si looga hortaggo fal-dambiyeedyada
  • si loo dhawro caafimaadka, anshaxa, xuquuqaha iyo xoriyadaha dadka kale.