Waxaad deggan tahay xarun qaabilaad balse waxaad u baahanahay gaegaar caafimaad

Magangelyo-doonka waxay codsan karaan dhkhtar kaalmeeyo.

Haddii xaaladaada caafimaad u baahan tahay, waxaad codsan kartaa kalkaaliye ama dhakhtar. Gudaha xarunta qaabilaada, waxaa jooga koox caafimaad oo waxaad ka qabsan kartaa ballan. Haddii uusan dhakhtar joogin goobtaada soo dhaweynta, waxaa lagu siin doonaa magaca dhakhtarka aad aadi karto.

Ma aha inaad lacag ku bixiso ballanta aad ka qabsaneyso dhakhtarka ama kalkaaliyaha, ilaa adiga aad dooratid inaad u tagto dhakhtar aan ka aheyn midka xarunta jooga. Waxaa kale oo aad si lacag ah ku helaysaa daawada lagama maarmaanka ah. Dhakhtarka ayaa go'aansan kara inuu kuu gudbiyo isbiltaal ama dhakhtar takhasusle ah.

Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha waxay baaraan inaad qabto cudur faafa (sida qaaxada). Waxaa kale oo aad helaysaa tallaalada lagama maarmaanka ah.

Dumarka uurka leh, carruurta iyo dhallaanka waxay helaan daryeel caafimaad oo khaas ah. Waxaad heli kartaa kaalmo adigoo la xiriiraya ONE (qaybta Faransiiska lagagaga hadlo ee dalka) ama Kind & Gezin (Qaybta Flemish lagaga hadlo).

Faylka caafimaadka

Dhammaan macluumaadka ku saabsan caafimaadkaaga waxaa lagu ururinayaa fayl caafimaad. Waad arki kartaa ama codsan kartaa nuqulka faylkaaga. Haddii aad beddelatid goobtaada soo dhaweynta, faylkaaga caafimaadka waxaa loo dirayaa goobta soo dhaweynta ee cusub.

Macluumaadka caafimaadka waxaa ilaalinayo xajinta sirta: kooxda caafimaadka ma wadaagi karaan macluumaadkan adiga oo aan oggolaan, ilaa aysan noolashaada ku jirin halis