Caafimaadka cunugaaga ama dhallaankaaga

Biljimka waxaa laga helaa adeeg bilaash ah oo lagula socdo caafimaadka dhammaan carruurta da'doodu ka yar tahay 3 jir. Waxaad sidoo kale waydiin kartaa su'aalo ku saabsan uurkaaga, koritaanka ilmahaaga, iyo kor intiisa ama korinteeda.

Waad u imaan kartaa la-talinta bilaashka ah ilmahaaga (inta u dhaxaysa 0 bilood ilaa 3 sano) xafiisyada ku yaala Kind & Gezin (Flanders iyo Brussels) ama HAL (Wallonia iyo Brussels). Hay'adahani sidoo kale way ku taageeri doonaan haddii aad uur leedahay.

Hawlwadeenada Kind en Gezin mararka qaarkood waxay ku qabtaan wadatashiyo xarunta qaabilaada.

Maxaa dhaco xilliga la-talinta?

  • Mutadawaciinta ayaa miisaan saara oo caabira ilmahaaga.
  • Dhakhtar ama kalkaaliso ayaa baarta ilmahaaga.
  • Toddobaadyada ugu horreeya ka dib dhalashada, kalkaaliyeyaashu waxay eegayaan in maqalka ilmahaagu wanaagsan yahay.
  • Inta u dhaxaysa 12 iyo 24 bilood, dhakhaatiirta ama kalkaaliyayaasha caafimaad ayaa eegi doona in aragtida ilmahaaga wanaagsan yahay.
  • Ilmahaagu wuxuu helayaa tallaaladalagama maarmaanka ah.
  • Waxaad sidoo kale weydiin kartaa su'aalo ku saabsan nafaqaynta, waxbarasha, badqabka iyo caafimaadka.

Ilmahaagu ma xanuunsan yahay?

Haddii ilmahaagu jiran yahay, waa inaad aadaa dhakhtar oo aadan aadin hay'ad caafimaad.