Wadada baaskiilka gudaha Biljimka
Haddii aadan meel fog aadayn, wadada baaskiilka ayaa raqiis ah oo waa xal degdeg ah aad ku aadi karto agagaarka.
Halkee ayaad baaskiil ku wadi kartaa?
- Mar walba waxaa lagaaga baahan yahay inaad ku wado waddada baaskiilka. Waxaad ku garan kartaa waddada baaskiilka calaamadaha wadooyinka kala duwan, midabka guduudan ee wadada calaamada baaskiilka.
- Haddii aysan jirin waddo baaskiil, waxaad mar walba baaskiil ku wadi kartaa dhinaca midig ee waddada.
- Carruurta oo kaliya ayaa loo oggol yahay inay baaskiilka ku wadaan marshobiyeediga.
Badqabka
Marka aad baaskiil wado, waa inaad taxadar ka muujisaa waxyaabaha soo socda:
- Mar walba isticmaal nalalka baaskiilka marka aad ku wadeyso mugdiga.
- Xiro gashaanta madaxa ama garanka iftiima.
- Mar walba iska ilaali gawaarida marka aad demiso.
- Marka aad demiso, waa in aad marka hore u laalaadiso gacantaada jihada aad rabto in aad u demiso.
- Ha cabin wax khamri ah haddii aad baaskiil wadaysid.
- Waa inaadan isticmaalin telefoonka gacantaada marka aad saaran tahay baaskiilka si aad u samaysid wicitaan ama u dirtid fariimaha gaagaaban.
- Carruurta looma oggola raarta rarka, waxaa looga baahan yahay inay saarnaadaan kursi gaar ah oo ku dhagan baaskiilka.
Baro sida loo wado baasiilka
Ma ku cusub tahay baaskiil wadida? U raac tartiib-tartiib qorshaha ku jira fiidiyowga oo baro baaskiil wadida qaab baashal ah iyo badqab ah.
1 Barashada baaskiilka wado
2 Xirfadaha wadista waddada
Sharciyadda wado marista
Ma wadi kartaa baskil wadada baaskiil ma ku wada? Marka waa muhiin inaad garanayso sharciyadda. La soco fiidiyowyada sharxayda sharciyadda wado marista ee loogu talo galay baaskiilayda.
3 Xeerarka taraafikada
4 Meesha aad kaga jirto waddada
5 Halkee baaskiil lagu wadi karaa, halkee laguma wadi karo
6 Xeerarka mudnaanta maraaya
7 Isgoys
8 Askari booliis
9 Waddo ka gudbid
10 Wareegga isgoyska / goobo wareeg ah
11 Waddo cidhiidhi ah
12 Aagag gaar ah iyo calaamadaha taraafikada
13 Tareen iyo bas
14 Baarkin dhigasho
15 Baaskiilkaaga oo si sharci ah u hagaagsan
16 U fiirso dadka kale ee waddada isticmaalaya