Shahaadooyinka caafimaadka ee habraacaaga

Baaritaan caafimaad iyo shahaadooyin caafimaad oo ka socda dhakhtar ayaa laga yaabaa in ay faa'iido u yihiin habraaca magangelyada.

Miyaa si xun laguula dhaqmay gudaha waddankaaga asalka ah? Miyaa lagu jirdilay?

Haddii aad haysato shahaadooyin caafimaad, waxaa loo isticmaali karaa caddeyn ahaan codsigaaga magangelyada caalamiga ahoo waa inaad tustaa inta lagu jiro wareysiga ay kula yeelanayaan CGVS/CGRA.

haddii aadan haysan shahaado caafimaad, CGVS/CGRA ayaa codsan karaan inuu dhakhtar ku baaro. Xaaladdan oo kale, ma aha in aad lacag siiso dhakhtarka.

Baaritaanka caafimaadka

Haddii CGVS/CGRA aysan ku weydiin inaad samayso baaritaan caafimaad, balse aad rabto in lagu baaro si aad u hesho caddeynta in si xun laguula dhaqmay, waxaad u tegi kartaa dhakhtar balse waa inaad adiga lacag iska bixisaa. Kala hadal shaqaalahaaga bulshada ama qareenkaaga.

Gudniinka fircooniga

CGVS/CGRA ayaa codsan doonaan baaritaan caafimaad oo khaas ah in lagu sameeyo dumarka iyo gabdhaha kuwaaas oo maray gudniinka fircooniga ee dumarka (ama dumarka iyo gabdhaha halista ugu jira inay maraan gudniinka fircooniga ee dumarka). 

Baaritaankan wuxuu muhiim u yahay codsiga magangelyada dumarka iyo gabdhaha ay khusayso.

Haddii aad ku jirto xaaladdan, waxaad kalahadli kartaa shaqaalahaaga bulshada kaasoo kuu diyaarin doono booqashada dhakhtarka GAMS (urur taageero dhibaneyaasha). Haddii aadan ku sugneyn xarun qaabilaad, waxaad si toos ula xiriiri kartaa GAMS

GAMS (urur u dooda dhibaneyaasha gudniinka fircooniga)

Telefoonka: +32 (0)2/ 219 43 40

Iimaylka: info@gams.be