Lacagta Jeebgashiga

Magangalya doonada ayaa heli karo lacagta qaar haddii ay caawiyaan shaqaalaha  xarunta soo dhaweynta.

Belgium ma siiso caawinta dhaqaalaha codsadayaasha magangalyada caalamiga ah.

Dowlada Belgian ayaa bixiso kaliya caawinta alaabaha: aad ka heshid soo dhaweynta ee xarunta ama goob kaloo soo dhaweynta ah. Ma heleysid wax lacag ah, marka laga reebo lacag yaroo jeeb gashi ah oo aad u isticmaali kartid sida aad rabtid. Lacagtaan jeebgashiga ah ayaa la bixiyaa hal jeer isbuuciiba. Qofka weyn ayaa helo ku dhawaad 8 EURO  isbuuciiba.

Xarumaha soo dhaweynta qaarkood, waxaad sidoo kale heli kartaa lacag yaroo kale haddii aad caawisid shaqaalaha xarunta. Tusaale ahaan, nadiifinta marinada ama shaawarada, dhaqida dharka, cunto bixinta, iwm. Weydii shaqaalahaaga bulshada sida loo codsado inaad sameysid shaqooyinkaan yaryar.