Casumaada CGVS/CGRA ee wareysigeyga

Xafiiska Socdaalka wuxuu kiiskaaga u dira CGVS/CGRA. Ka dibna CGVS/CGRA ayaa kugu casunto waresiga gaarka ah.

Haddii Biljimku yahay waddanka mas'uulka ka ah wax ka qabadka codsigaaga magangelyada, Xafiiska Socdaalka wuxuu u gudbiyaa kiiskaaga CGVS/CGRA.

CGVS/CGRA waa hay'ad madax bannaan oo oggolaata ama diido sharciga qaxootinimo ama magangelyada hoose. Ka hor inta aysan go'aan qaadan, CGVS/CGRA waxay kugu casumaan xafiiskooda ('casumaada'). Waxaad markaa sharrixi kartaa sababta aad uga soo tagtay waddankaaga asalka ah (midaani waxaa loo yaqaan 'wareysiga gaarka ah').