Barashada Af Holland ama Faransiis

Si aad u shaqeyso, wax u barato ama ula xiriirto dadka gudaha Biljimka, waxaad u baahantahay inaad barato luuqadda. Gudaha Biljimka, waxaad ku baran kartaa koorso af Holland ama Faransiis ah, kuwaasoo ku habboon soogalootiga cusub aan ku hadlin afka dhaladka.

Barashada luuqadda maxalliga ah

Halkee ayaan ka baran karaa luuqadda?

Gudaha Biljimka, dadka waxay ku hadlaan af Faransiis, Holland ama Jarmal, iyadoo ku xiran tahay halka ay ku nool yihiin. Qeyb yar oo ka mid ah dalka (gobolka Liège) dadku waxay ku hadlaan af Jarmal.

  • Dhammaan carruurta ka yar 18 jir waxay ku bartaan dugsiga af Holland, Faransiis ama Jarmal.
  • Dadka waaweyn waxay iska diiwaangelin karaan koorso luuqadeed.
Muuqaal 'Koorso Luuqadeed' Guji dusha "cc" si aad u badashid luqadda dhigaal-hoosaadyada.