Qabanqaabinta safarka

Safarka waxaa qabanqaabiya Fedasil iyo Hay'adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM).

Safarku waa diyaarad, balse wadamada qaarkood ee ku dhow Biljimka, waa bas. Fedasil ayaa bixisa tikidka duulimaadka ama tikidka baska.

Marka aad ka tagto Biljimka, waxaad qaadan bac ay ku siisay IOM si markaa laguu aqoonsado. Qof ka socda IOM ayaa kugula kulmi doona madaarka (ama boosteejada baska), ku siin doona tigidkaaga oo kuu raaci doona xadka. Haddii aad rabto, qof kale oo ka socda IOM ayaa ku soo dhawayn kara oo ku raaci kara markaad timaado waddankaaga hooyo.

Sida safarreyda kale, waa inaad ixtiraamtaa shuruucda shandadaha: ha dhaafin tanka shandada qof walba loogu talagalay, ama miisaanka ugu sarreeya.