Laasimida wakhtiga iyo sugitaanka tookadaada

Gudaha Biljimka, waxaa aad muhiim u ah inaad wakhtiga laasinto. Dadka Biljimka ah waxay kaa filayaan inaad tookadaada sugto, haddii ay tahay inaad sugto.

Laasim wakhtiga marka aad leedahay ballan

Gudaha Biljimka, waxaa aad muhiim u ah inaad wakhtiga laasinto. Haddii aad soo daahdo, taasi waa xushmaddarro aad qofka kale u qabto, maadaama ay ku sugeen.

Haddii aad u malaynayso inaad soo daahayso, waa inaad u sii ogeysiisaa qofka kale horay. Waad wici kartaa ama u diri kartaa fariin gaaban, tusaale ahaan. Tani waxay muhiim u tahay ballamahaaga xarunta qaabilaada, shaqada, dugsiga, dawladda hoose iyo sidoo kale asxaabta.

Haddii aad soo daahdid, qofka aad la lahayd ballanta ma doonayo inuu inaba ku caawiyo ama kula hadlo waqtigaas. 

Waxay inta badan horay ballan ula leeyihiin qof kale. Kadib waxaad u baahan tahay inaad la dhigato ballan cusub.

Gelidda safka

Eeg waqtiyada furitaanka

Ku dhowaad dhammaan adeegyada dawladda hoose, CPAS/OCMW ama xarunta qaabilaada ayaa leh waqtiyo furitaan. Waxaad kaliya adeegsan kartaa adeegyadan marka ay furan yihiin. Si fudud isagama geli kartid gudaha iyo uguma bixi kartid dibadda adeegyadan, wakhti saacadahaas ka baxsan. Dadka ka shaqeeya halkaas ayaa markaa sameynaya hawlo kale (maamulka, shirarka, wicitaanada).

Sugitaanka tookadaada

Haddii ay tahay inaadsugto tookadaada, waxaa caado ka ah Biljimka inaad gasho safka ama aad qaadato lambar tikid. Markaad timaaddo, waa inaad ku biirtaa safka gadaale. Ha isku riixin horay, ama dadka ha hantaatiqin.

Adeegyada qaar, sida dawladda hoose, isbitaalka ama xafiiska boostada, waxay ku shaqeeyaan nidaam tikid.

Markii aad timaadid waa inaad marka hore qaadataa tikid leh lambar. Waxaa jira calaamad ku taalo qolka sugitaanka halkaasoo lambarada ay ka muuqdaan. Waa tookadaada kaliya marka lambarkaaga uu ka muuqdo boorka.