Furashada koontada bangiga

Haddii aad sharci deggenasho ku leeyahay Biljimka ama aad gudbisay codsiga magangelyada caalamiga ah, waad furan kartaa koonto bangi. Tani waa waxa aad u baahan tahay inaad sameyso!

Koonto bangi ceenkee ah?

1. Waxaad ka heshay kaarka lacag-bixinta electarooniga xarunta qaabilaadda

Haddii aad degantahay xarun qaabilaad, waxay u badan tahay in aad horey uga heshay kaarka bangiga iyo koonto Belfius. Bil kasta waxaad ka heli doontaa gunnadaada koontadaas. Haddii aad shaqooyin yaryar ka qabato gudaha xarunta, waxaad sidoo kale ku helaysaa tan lacag laguugu soo diro koontadaada.

  • Waxaad u adeegsan kartaa koontadan inaad lacag u bixiso iyo u dirto elektiroonig ahaan.
  • Uma adeegsan kartid koontadan in mushaharkaaga laguugu soo diro ama aad dabaaji dhigato.

2. Haddii aadan helin kaarka lacag-bixinta, waxaad furan kartaa koonto bangi oo gaar kuu ah

Waxaa ku yaalo bangiyo kala duwan Biljimka (KBC, Belfius, Argenta, ING, BNP Paribas). Si aad koonto u furato markii ugu horreysay, waxaad dooran bangiga aad rabto.

Waxaad dooraan kartaa laba nooc oo koonto bangi ah.

  • Koontada bangiga caadiga ah
  • Koontada addeega bangiga aasaasiga ah
La bixitaanka lacagta

Waa maxay koontada addeega bangiga aasaasiga ah?

Koonto bangi oo leh kaar bangi aad u isticmaali karto:

  • bixinta lacagaha elektaroonik kaarka bangiga gudaha dukaamada
  • kala-bixida iyo ku shubashada lacag caddaan ah (kaliya gudaha Biljimka)
  • u dirista lacag koonto kale
  • samaysashada dalabaadka tooska ah ee lacag la bixidda
  • codsashada bayaanka xisaabta koontada

Ma sameyn kartid waxyaabaha soo socda:

  • kala-weydaarsi ganacsi ama iibsasho u keeni karta baaqi deyn koontadaada bangiga (ka hooseeysa €0)
  • lacag ku bixinta amaahda (soo deynsasho lacag)

Maxaad u baahan tahay si aad u furato koonto bangi?

  • Waxaa lagaga baahan yahay inaad caddeyso aqoonsigaaga (iyadoo loo marayo kaarka aqoonsiga elaktarooniga ah ama lifaaqyada ka socda Xafiiska Socdaalka)
  • Caddee cinwaanka aad deggantahay (waraaqad ka socoto degmada si aad uga qaadato kaarkaaga degganaashaha, shahaadooyinka dawladda hoose).

Kharashka

Koontada addeega bangiga aasaasiga ah, waxaa lagaga baahan yahay inay bixiso inta u dhaxeeysa €15 iyo €20 sanad kasta.