Dugsiyada kala duwan ee ku yaala Biljimka

Gudaha Biljimka, dugsiyada waxay u kala qaybsan yihiin isku da' ahaan.

  • Waxbarashada dugsiga hoose ka hor: laga bilaabo 2.5 ilaa 5 sano
  • Dugsiga hoose: laga bilaabo 6 ilaa 11 sano
  • Dugsiga Sare: laga bilaabo 12 ilaa 18 sano

Waxbarashada dugsiga hoose (2.5 ilaa 5 sano)

Ilmaha ka yar 5 jir ma ahan waajib inay dhigtaan dugsi-horaad. Carruurta badankood waxay dhigtaan dugsiga xanaanada carruurta si kastaba ha ahaatee waayo waxay halkaas ku bartaan ku hadalka luuqadda. Waxay sidoo kale bartaan farsamada, sawirida iyo isla ciyaarida ...

Dugsiga waa goobta ugu wanaagsan ay ilmahaaga ku bartaan luuqadda. 

Marka ay tahay 1-da Sitembar ee sannadka ilmahaagu gaaro 5 jir, waa in ilmahaagu dhigto dugsi-horaad. Hadduu ilmahaagu dhigto dugsi looga hadlo Af-holland oo uusan ugu hadlin Af-holland si fiican markuu yahay 6 jir, dugsiga ayaa go'aan ka gaari kara in ardaygaaga u diro dugsi-horaad si uu u dhigto sannad dheeraad ah (beddelkii uu dhigan lahaa dugsiga hoose)

Dugsiga hoose (6 ilaa 11 sano)

Waa inaad diiwaangelisaa ilmahaaga marka koowaad ee isaga ama iyada tago dugsiga hoose ama beddesho dugsiga. Waxaad dooran kartaa dugsiga ilmahaagu dhiganayo.

Waxbarashada dugsiga hoose waa 6 sano. Ilmahaagu waa inuu garaa hadafyada waxbarashada sannad kasta si uu ugu gudbo sannadka xiggo.

Maaddooyinka waxbarashada dugsiga hoose waa:

  • Xisaabta
  • Akhrinta iyo qorista
  • Cilmiga bulshada (juqraafiga, bayoolajiga, cilmiga gaadiidka...)
  • Waxbarashada jimicsiga, oo ay ku jirto dabaasha

Dugsiga Sare (12 ilaa 18 sano)

Ka dib dugsiga hoose, ilmahaagu wuxuu u gudbayaa dugsiga sare. Waa inaad dib u diiwaangelisaa ilmahaaga waayo kani waa dugsi cusub. Waxaad dooran kartaa dugsiga sare ilmahaagu dhiganayo.

Waxbarashada dugsiga sare sidoo kale waa 6 sano. Gudaha dugsiga sare, dhalinyarada waxaa loo diyaarinayaa in ay sii wataan waxbarashadooda (waxbarashada sare) ama ay bartaan xirfad.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo waxbarashada dugsiga sare ah (fiiri muuqaadada):

  • Waxbarashada dugsiga sare ee guud (aso): waxay da' yarta u diyaarisaa waxbarasho sare
  • Waxbarashada dugsiga sare ee suugaanta (kso): waxay da' yarta u diyaarisaa xirfadda suugaanta dunida (qoob ka cayaar, masraxiyada, sawirida, muusiga, etc.).
  • Waxbarashada dugsiga sare ee farsamada (tso): waxay da' yarta u diyaarisaa waxbarashada sare ee farsamada ama dhaqaalaha ama shaqooyinka korontada, sanaacada ama qaybta dalxiiska.
  • Waxbarashada dugsiga sare ee xirfadaha (bso): waxay bartaa da' yarta xirfad lagu shaqeysto.

Waxbarashada gaarka ah

Carruurta qaarkood ma dhigan karaan dugsiga caadiga ah

  • Waxaa dhib ku ah waxbarashada
  • Waxaa dhib ku ah habdhaqanka
  • Waxay qabaan naafonimo (arraga, dhaqdhaqaaqa, dhimirka, maqalka)

Ilmahan waxay dhigan karaan dugsi si gaar ah loogu talagalay baahidooda. Si aad uga diiwaangeliso ilmaha dugsiga waxbarashada gaarka ah, warqad oggolaasho ayaa loo baahan yahay in laga helo: