Carruurta dhigata dugsiga

Ilmo kasta oo jooga Biljimka wuxuu dhigan karaa dugsi, iyadoo la eegayn dhalashada ama xaalada deganaanshaha. Gudaha Biljimka, dugsigu waa ku waajib carruurta oo dhan ee da'doodu tahay 5 ilaa 18 jir.

Goorma ayey dugsiyadu furan yihiin?

Dugsiyadu waxay furan yihiin Isniinta ilaa Jimcaha, laga bilaabo 1-da Sitembar ilaa 30-ka Juun.

  • Dugsigu wuxuu badanaa bilaabmaa 8.30 subaxnimo wuxuuna dhamaadaa inta u dhaxeysa 3 galabnimo iyo 5 galabnimo.
  • Dugsigu wuxuu dhamaadaa 12 galabnimo maalmaha Arbacada.
  • Ma jiro wax dugsi ah Sabtida iyo Axadaha.
Carruurta ku jirta fasalka

Fasaxyada Dugsiga

Waxaa jira fasaxyo dugsi 4 mar sanadkii: dhammaan dugsiyada ku yaala Biljimka way xiran yihiin xilliyadan soo socda:

  • Fasaxa dayrta (1 toddobaad)
  • Fasaxa Ciida Masiixiga (2 toddobaad)
  • Fasaxa dhexe (1 toddobaad)
  • Sannad guurada Masiixiga (2 toddobaad)

Sidoo kale wax dugsi ah ma jiro fasaxyada qaranka.

Ka diiwaangelinta ilmahaaga dugsiga

  • Carruurta aan Biljimka ahayn ee da'doodu u dhaxeyso 3 iyo 5 sanno jir way dhigan karaan dugsiga laga bilaabo maalinta koowaad ay imaadaan gudaha Biljimka.
  • Carruurta da'doodu u dhaxeyso 5 iyo 18 sanno jir waa in laga qoraa dugsi ugu yaraan 2 bilood kadib marka laga diiwaangeliyo dawladda hoose.
  • Xitaa carruurta aan lahayn sharci deganaansho way ka dhigan karaan dugsi gudaha Biljimka. Dugsiga looma oggola in loo diido

Luuqadda dugsiga: Af Holland ama Faransiis

Haddii carruurtu aysan ku hadli karin af Holland ama Faransiis, ama aaney aqoon u lahayn, waxay xaq u leeyihiin in ay casharro la qabsi gudaha dugsiga: casharrada qaabilaadda ee dugsiga ama casharrada 'OKAN', casharadda qaabilaadda dadka aan ku hadlin luuqadda. Marka ay yeeshaan aqoon ku filan oo luqadda ah, waxay u gudbayaan fasalka caadiga ah.

  • Haddii aad ku nooshahay Flanders, carruurtaadu waxay dhigan doonaan dugsiga casharrada lagu bixiyo af Holland.
  • Haddii aad ku nooshahay Wallonia, carruurtaadu waxay ku dhiganayaan casharrada af Faransiis.
  • Haddii aad ku nooshahay Brussels, carruurtaadu waxay ku baran karaan dugsiga af Holland ama Faransiis.

Kharashka Dugsiga

Dugsiga waa bilaash, laga bilaabo dugsiga xanaanada carruurta ilaa 18 sano jir. Si kastaba ha ahaatee waxaad u baahan tahay inaad bixiso kharashka dheeraadka ah: Cashooyinka dugsiga, safarada dugsiga, iwm. Haddii aad joogtid xarunta qaabilaadda, Fedasil ayaa bixin doonta kharashka. Haddii aad dhibaato ku qabtid bixinta kharashka, waxaad codsan kartaa gunnada waxbarashada.

Ma qabtaa su'aalo ku saabsan dugsiga?

  • Xarun qaabilaadkasta, waxaa jooga la-taliyaha dugsiga kaas oo kala talin kara waalidiinta iyo carruurta haddii ay qabaan su'aalo ku saabsan dugsiga. Kala hadal arrintan shaqaalahaaga bulshada.
  • Waxaad ballan kula dhigan kartaa macallinka dugsiga. Maxaa dhacaya haddii aadan ku hadlin af Holland ama Faransiis? Weydii saaxiib ama xubin qoyska ka tirsan oo kaa caawin kara tarjumaadda.