Sinnaanta

Gudaha Biljimka, raga iyo dumarka way siman yihiin sharciga hortiisa. Waxay leeyihiin xuquuq isku mid ah. Waa mamnuuc sharciga in aan xuquuq la mid ah la siin dumarka. Sidoo kale ma takoori kartid qofna adigoo ku saleynaya asalkooda, nooca galmada ama diintooda.

Midabtakoorka waa ka mamnuuc gudaha Biljimka

Dhammaan dadka Biljimka ah way siman yihiin sharciga hortiisa. Ma takoori kartid qof adigoo ku saleynayo:

  • jinsiga (ahaanshaha rag ama dumar)
  • jinsiyadda ama midabka jirka
  • asalka (dhalashada)
  • nooca galmada (doorbididda ragga iyo dumarka)
  • dhalashada
  • da'da
  • diinta
  • naafonimada

Sinaanta jinsiga

  • Gudaha Biljimka, ragga iyo dumarka waxaa loo oggolyahay inay dhigtaan dugsiga, cayaaraan isboortiga, shaqeeyaan, galmoodaan, iwm.
  • Ragga iyo dumarka waxay xor u yihiin inay doortaan lammaanahooda (rag ama dumar).
  • Sida ragga oo kale, dumarka waxay xor u yihiin inay go'aansadaan waxa ay ku sameynayaan jirkooda (qofka taaban karo, qofka ay rabaan inay xiriir la sameeyaan, iwm.).
  • Sida ragga oo kale, dumarka way madaxbanaanaan karaan, kaxayn karaan gaari, furan karaan kooto bangi.
  • Sida ragga oo kale, dumarka way shaqeyn karaan. Dumarka waxaa loo oggolyahay inay qabtaan shaqo kasta, sidaas darteed waxay sidoo kale noqon karaan dhakhaatiir, saraakiil ciidan, qareeno ama garsoorayaal.
  • Ragga sidoo kale waxaa loo oggolyahay inay sameeyaan shaqo kasta, waxayna sidoo kale u shaqeyn karaan kalkaaliye ama nadiifiye ahaan.