Joojinta sharcigaaga qaxootinimo adiga

Waxaad si mutadawacnimo ah u dhammeyn kartaa sharcigaaga qaxooti la aqoonsaday ahaan. Tani waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, haddii aad dareento in aysan jirin wax sabab ah oo looga soo cararo waddankaaga.

Sida loo dhammeeyo sharcigaaga qaxootinimo?

  • Waxaad shaqsi ahaan u tagaysaa adeegga dukumentiyada ee CGVS/CGRA.
  • Waxaad saxiixeysaa caddaynta ka laabashada.
  • Waxaad helaysaa 'shahaadada joojinta sharciga qaxootinimo'.