Diimaha kala duwan

Gudaha Biljimka, waxaa jira diimo iyo caqiidooyin kala duwan. Diinta ugu weyn waa diinta Masiixiga. Waxaa sidoo kale jira dad badan oo aan diini ahayn.

Diimaha

Gudaha Biljimka, qof kasta wuxuu xor u yahay barashada diintiisa. Sidaas awgeed, waxaa jira diimo kala duwan.

Diimahan soo socda ayaa si rasmi ah loo aqoonsanyahay:

  • Diinta Katooliga ee Roman-ka
  • Diinta Asal-raaca
  • Diinta Angalikanka
  • Diinta Kaniisad-raaca
  • Diinta Islaamka
  • Diinta Yuhuudda

Ciidaha

Maadaama Kaniisada Kaatooliga ay aad muhiim ugu ahayd taariikhda Biljimka, weli waxaan heysanaa fasaxyo badan oo Diinta Katooliga ah, oo ay ku jiraan Ciida Kaniisada iyo Masiixiga. Dukaamada iyo dugsiyada badankood way xiran yihiin ciidahan. Dad badan ayaa sidoo kale shaqeynin ciidaha.

Diimaha kale sidoo kale waa looga dabaal degaa gudaha Biljimka, balse markaa dukaamada badankood way furan yihiin oo dadku way shaqeeyaan carruurtuna waxay aadaan dugsiyada.