Biljimka wuxuu leeyahay 6 dawladood

Biljimku wuxuu leeyahay 1 dawlad fadaraal ah iyo 5 dawlad goboleed. Dawlad lasta waxay leedahay tiro wasiiro ah oo leh awoodo gaar ah.

Biljimka waa dawlad fadaraal ah

Waa maxay sababta waddan sida Biljimka u yar 6 dawladood u leeyahay? Biljimka waa dawlad fadaraal ah, taasoo macnaheedu tahay waxaa jiro dhawr gobolo federaal ah.

Biljimka wuxuu leeyahay 3 gobol

  • Gobolka Flemish
  • Gobolka Walloon
  • Brussels-gobolka Caasimada

Iyo 3 bulshooyin

  • Bulshada Flemishka
  • Bulshada Faransiiska
  • Bulshada Jarmalka

5 dawlad goboleed iyo 1 dawlad fadaraal ah

Dawlad goboleed kasta waxay leedahay dowlad gaar ah Marka laga reebo, gobolada fadaraalka ah ee Bulshada Flemish iyo gobolka Flemish waxay leeyihiin hal dawlad Flemish ah. Sidaa darteed, waxaa ka jira 5 dawlad goboleed iyo 1 dawlad fadaraal ahgudaha Biljimka. Dawladda federaalka ayaa gaarta go'aanada dalka oo dhan.

Dawlad waxay ka kooban tahay wasiiro iyo xoghaynta dawladda, mid kastana wuxuu leeyahay awoodo gaar ah: Arrimaha gudaha, Arrimaha dibbeda, Caddaalada, Caafimaadka Bulshada, iwm.