Biljimka wuxuu leeyahay 3 luuqadood

Gudaha Biljimka, degganeyaasha waxay ku hadlaan af Faransiis, Holland ama Jarmal, iyadoo ku xiran tahay gobolka ay ku nool yihiin. Saddexda gobol ee kala duwan waxaa loogu yeeraa bulshooyin.

3 bulshooyin

Gudaha Biljimka, waxaa ka jira 3 bulshooyin:

  • Bulshada Flemishka: dadka ku hadla af Hollad ayaa halkan ku nool
  • Bulshada Faransiiska: dadka ku hadla af Faransiis ayaa halkan ku nool
  • Bulshada Jarmalka: dadka ku hadla af Jarmal ayaa halkan ku nool

Gudaha Brussels, dadka waxay ku hadlaan af Holland ama Faransiis

Brussels labo luuqad ayaa looga hadlaa. Dadka Brussels degan ee ku hadla af Holland waxay ka tirsan yihiin Bulshada Flemishka waxayna dadka ku hadla af Faransiiska waxay ka tirsan yihiin Bulshada Faransiiska.

Bulsho walba waxay leedahay dawlad

Bulsho kasta waxay leedahay dawlad go'aan ka gaarta dhaqanka, luuqada iyo waxbarashada