Waddanka asalka ah ee nabdoon

Biljimka wuxuu u arkaa waddamada qaarkood kuwo 'nabdoon' waayo dadka deggan guud ahaan waxay halkaas ku nool yihiin si badqab ah.

Waa maxay waddan 'nabdoon'?

Waa waddan dib laguugu diri karo waayo halkaasi waad ku ammaan qabtaa. Haddii aad ka timid waddan loo tixgeliyo inuu yahay mid nabdoon, CGVS/CGRA ayaa si dhaqso ah uga shaqeyn doonaan codsigaaga magangelyada.

8 waddan ayaa hadda loo tixgeliyaa inay yihiin kuwo nabdoon:

  • Albaniya
  • Bosniya
  • Joorjiya
  • jamhuriyada Masedonia
  • Kosofo
  • Montenegro
  • Serbiya
  • Hindiya

Liistadan way isbeddeli kartaa iyadoo la eegayo waxyaabaha ka soo cusbaanaaday waddamadan.