Soo dhaweynta magangelyo-doonka

Magangelyo-doonka waxay heli karaan soo dhaweyn inta lagu jiro qiimeynta codsigooda magangelyada.

Fedasil waa hay'ad Biljim ah oo masuul ka ah soo dhaweynta codsadeyaasha magangelyada caalamiga ah.

Fedasil kaliya waxay qabataa soo dhaweynta: kama gaarto go'aan codsigaaga magangelyada. Codsigaaga magangelyada waxaa baaraya hay'ado kale: Xafiiska Socdaalka iyo CGVS/CGRA.

Fedasil iyo wada-hawlgaleyaasheeda

Fedasil waxay mas'uul ka tahay dhammaan goobaha soo dhaweynta: xarumaha la wadaago iyo guryaha la wadaago.

Mabda 'ahaan, dadka magangalyo-doonka ah ayaa markia koowaad la dejiyaa gudaha xarunta qaabilaada. Waxaa ka jira xarumo soo-galooti oo kala duwan gudaha Biljamka. Xarumaha waxaa maamulo Fedasil ama hay'ad Fedasil la hawlgasho (Red Cross (Laanqayrta Cas), Caritas International, iwm.).

Magangelyo-doonka waxaa sidoo kale lagu qaabilaa guryaha gaarka ah. Kuwaani waa duddooyin yaryar oo la qalabeeyay, ay maamulaan adeegga bulshada ee magaalo ama tuulo (CPAS/OCMW).