Haddii aad joogto xarunta qaabilaadda
Haddii aad tahay magangalyo-doon deggan xarun qaabilaad, waxaad ka codsan kartaa tigid bilaash ah shaqaalahaaga bulshada siyaabahan soo socda awgood:
- Waxaa lagaaga baahanyahay inaad aado ballanta codsigaaga magangelyo (wareysiga)
- Haddii aad raadinayso goob aad joogto
- Haddii aad qaadanayso koorso tababar
- Haddii aad qabsatay ballan caafimaad
Kaarka safarka ee baska
Haddii aad ku nooshahay Flanders, shaqaalahaaga bulshada ayaa kuu soo-jeedin kara inaad ku iibsato kaarka safarka oo hal sano ah, qiimo yar. Kani waa qiimo aad u jaban marka loo eego iibsashada tikido badan. Gudaha Flanders, magangelyo-doon ahaan, waxaad ku helaysaa qiimo-dhimis kaarka safarka. Guadaha Wallonia, Magangelyo-doon ahaan, kuma helaysid wax qiimo-dhimis ah kaarka safarka.
Xisaabi safarkaaga
Waxaa jiro barnaamijyo kala gedisan oo lagu xisaabiyo safarkaaga. Waxay sidoo kale ku tusayaan baska, taraamka ama tareenka aad raacayso.