Waxaa lagaa doonayaa inaad kala soocdid qashinka

Gudaha Biljimka, waxaa lagaa doonayaa inaad ku kala soocdo qashinka bacyo midabaysan oo kala duwan. Midabyada iyo bacaha way kala duwan yihiin degmo ama magaalo kasta.

Kala soocidda qashinka

Waxaa jira noocyo kala duwan oo qashin ah:

  • dabiici = miraha, khudaarta, qolofta ukumaha
  • bacaha = caagadaha bacda ah
  • biraha = gasacadaha birta ah, daasadaha
  • galaas = dhalooyinka ama dheriyada galaaska ah
  • warqadaha iyo kartoonada = wargeysyada, kartoonada sanduuqada ah
  • qalabka elaktarooniga = muuqbaahiyaha, telefoonada, timo qalajiyaha, dabeeyeyaasha
Kala soocidda qashinka

Gudaha Biljimka qashinka si gooni ah loogu keydiyaa nooc ahaan (kala soocidda) si alaab cusub looga sameeyo (dib-u-warshadeyn).

Haddii aadan kala soocin qashinkaaga, dawladda hoose ama magaalada waxaa laga yaabaa inay diido qaadista bacdaada. Dawladda hoose ama magaalada sidoo kale waxay soo rogi kartaa ganaax.

Bacaha qashinka loogu talagalay kala soocidda

Degmo kasta waxay leedahay xeerar u gaar ah ururinta qashinka. Noocyada qashinka badankood, waxaa loogu talagalay bacaha qashinka midabeysan oo kala duwan oo lagaa doonayo inaad kas soo iibsato dawladda hoose ama dukaan ku yaala degmadaada.

Dawladda hoose ayaa uruuriso qashinka

Dawladda hoose ama magaalada ayaa uruuriso qashinka maalin gaar ah toddobaadkii. Degmo kasta waxay leedahay xeerar kuwaasoo bacaha midabeysan la dhigo banaanka maalin, iyo wakhti gaar ah. Haddii aad kaga tagto bacahaaga qashinka waddada wakhti ka baxsan saacadaha ama maalmaha la oggolyahay, waxaa lagugu soo rogi karaa ganaax.

Gudaha jadwalka ururinta ee dawladda hoose, waxaa lagu sheegay nooca bacda qashinka ee aad dhigi karto dibedda maalintaas iyo waqtigaas.

Beerta qashinka

Waxyaabaha waaweyn ama qashinka ee aysan dawladda hoose u imanin - sida muuqbaahiyaha, fadhiga, armaajooyinka, dhagxaanta - waxaa la geyn karaa beerta qashinka ee degmadaada. Tani waa goob aad ku qubi karto qashinka weelal waaweyn. Mararka qaarkood waxaa lagaa doonayaa inaad lacag bixiso si aad u qubto qashinka.