Nagu saabsan

Ku soo dhawow Fedasil Info, mareegta macluumaadka ee loogu talagalay dadka magangalyo-doonka ah ee ku sugan Biljimka! 

Halkan waxaad ka heli doontaa macluumaad (ku qoran 14 luqadood) oo ku saabsan 8 mawduucyo kala duwan: magangelyo iyo habraac, hoy, ku noolaanshaha Biljimka, soo noqoshada, shaqada, barashada, ilmaha yaryar ee aan lala socon iyo caafimaadka. Macluumaadka ku saabsan Fedasil Info wuu ku caawin doonaa, magangelyo-doon ahaan, si aad u sameyso xulashooyin ku sabsan mustaqbalkaaga.

Wax ka raadinta Fedasil Info way fududahay: guji mid ka mid ah 8 mawduuc ama isticmaal farsaarka raadinta ee ku anfacaya. 
Fedasil Info waxay sidoo kale leedahay liisto erayo ah oo fasiran halkaasoo aan ku sharraxno aragtiyada adag. Oo waxaad cod ka dhageysan kartaa Fedasil Info: guji astaanta maqalka kadibna qoraalka ayaa la akhrin doonaa.

Fedasil? 
Fedasil waa Hay'adda Dawladda Biljimka ee Qaabisha Dadka Magangalyo-doonka ah. Fedasil waxay mas'uul ka tahay goobaha qaabilaada ee ku yaala gudaha Biljimka waxayna kormeertaa tayada qaabilaada iyo hagida dadka magangelyo-doonka ah.

Waxaan sidoo kale qabanqaabinaa dib ugu noqoshada iskaa ah ee wadamadda laga imaaday. 

Wixii faahfaahin dheeraad ah ee dib-u-noqoshada iskaa ah? www.voluntaryreturn.be
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Fedasil? www.fedasil.be

Ma ku aragtay khalad Fedasil info? 
Fedasil waxay aad uga taxadartaa macluumaadka ka soo muuqda Fedasil info. Haddii macluumaad ku jira www.fedasilinfo.be khalad yahay, markaa waxaan sameynaynaa wax walba aan ku sixi karno.
Miyaad aragtay khalad? U dir iimayl info@fedasil.be

Macluumaadka Fedasil, oo ah goobta macluumaadka ee magangalyo-doonka gudaha Biljimka