Ixtiraamka dadka, xayawaanka iyo dabiiciga

Ixtiraamku waa qiyam aasaasi ah oo muhiim ka ah Biljimka. Waa inaad ixtiraamtaa sharciga, dadka kale, xayawaanka iyo hantida.

Isku ekaanshaha iyo kala duwanaanta

Biljimka wuxuu kaa rajaynayaa inaad ixtiraamto qiyamyada aasaasiga ah iyo xuquuqda aan leenahay guud ahaan. Biljimka wuxuu kaa rajaynayaa inaad ixtiraamto kala duwanaanshaha: dadku waxay leeyihiin hab nololeedyo kala duwan, dhaqamada cunida, dharka, diinta.

Ixiraamka sharciga

Qof kasta waxaa waajib ku ah in uu aqaano sharciga gudaha Biljimka oo u hoggaansamo.

Ixtiraamka dadka (dadka waaweyn iyo carruurta)

  • Ma waxyeelleyn kartid dadka kale (jir ahaan, maskax ahaan, wareem ahaan, iyo xadgudubka galmada waa sharcidarro).
  • Dadka kale ma horjoogsan kartid (midab takoorka iyo cunsuriyadda waa sharcidarro).
  • Ixtiraam saacadaha hurdada ee dadka kale (waxaa reeban inaad buuqdo habeenkii).
  • Ixtiraam asturnaanta dadka kale (ma qaadi kartid sawirrada dadka oo ma wadaagi kartid oggolaansho la'aan).
  • Is ixtiraama (uga kac kursigaaga baska dumarka uurka leh ama waayeelada).
  • Ixriraam muuji oo laasim wakhtiga haddii aad leedahay ballan.

Ixtiraamka xayawaanka iyo hantida

  • Ma waxyeeleyn ama burburin kartid hantida ama dhismooyinka dadka kale.
  • Xayawaanada waa in la xanaaneeyo (biyo, cunto, hoy) mana u geysan kartid xadgudub ka dhan ah.
  • Ha ku qubin qashinka waddooyinka bulshada, balse weelka qashinka.
  • Ixtitaan hantida gaarka ah ee dadka kale. Kuma kaadin kartid, qubi kartid qashin, ka guri kartid ubaxyo ama ka cuni kartid beerta qof kale.