Biyaha tuubbada waa la cabbi karaa.

Biyaha tuubbada waa la cabbi karaa gudaha Biljimka. Kaliya haddii ay jirto astaan muujinaysa inay reeban tahay, markaasi ma cabbi kartid biyaha.

Biyaha la cabbi karo

La cabbi karo

Biyaha tuubbada waa la cabbi karaa meel kasta oo ka mid ah Biljimka. Si adag ayaa loo xakameeyaa. Mararka qaarkood waxaad ku arki walax cad marka aad karkariso biyaha. Waa jeesto. Jeestadu ma aha mid waxyeelleysa caafimaadka. Jeestada sidoo kale waxaa laga helaa caanaha, tusaale ahaan.

Biyaha la cabbi karin

Astanta mamnuucida

Haddii ay ku taalo tuubbada astaan mamnuucid, markaasi biyahaas lama cabbi karo. Waxay noqon karaan biyaha roobka ee ceelka.