Dharka iyo nadaafadda

Magangelyo-doonka waxaa la siiyaa dhar iyo alaab (saabuun, daawada cadayga, iwm.).

Dharka

Marka aad timaado goobta soo dhaweynta, waxaad heli doontaa dhar iyo kabbo. Dharka ma cusba mar walba, balse way iska fiican yihiin. Xarunta waxay siidoo kale ku siinaysaa go'yaal iyo shukumaano. Waxaad haysataa fursad aad ku dhaqato dharkaaga.

Gacmo-dhaqashada

Nadaafadda

Waxaad helaysaa alaabtaa aad u baahan tahay: saabuun, shaambo, shanlo, daawada cadayga, carfiso, kareemka jirka, waraaqda musqusha, daawda gar-xiirka iyo gar-xiir, tiimshe, suuliye, af-tir iyo alaabaha carruurta. Alaabtaasi si joogto ah ayaa loo qaybiyaa.

Dhammaan dadka deggan goobta soo dhaweynta waa in ay ixtiraamaan sharciyada nadaafadda:

  • dhaq gacmahaaga ka dib marka aad isticmaashid musqusha, ka hor inta aanad cunto karin, ka hor cunista, ka dib markaad rabaayadayso xayawaan ama ku shaqeyso gacmahaaga
  • dhaq miraha iyo khudaarta ka hor inta aadan cunin
  • dhaq jeegaga biyaha ka hor inta aadan isticmaalin