Sideed u qaadataa tallaalka?
- Waxaad cirbad ka qaadan doontaa cududda sare
- Talaallada badankooda, waxaad qaadan doontaa irbad labaad dhawr todobaad ka dib duritaanka kowaad
- 14 maalmood ka dib waxaad si ku filan uga difaacaysaa cudurka loo yaqaan fayraska koroona
- Sababtoo ah difaacidu waxay bilaabataa inay hoos u dhacdo dhowr bilood ka dib, waxaa aad loogu talinayaa in lagu siiyo tallaal xoojin ah. Kani waa duritaan sadexaad dhowr bilood ka dib marka si buuxda laguu tallaalay.