Hab raaca magangalyada ee loogu tallogalay carruurta aan la wehlin

Miyaa tahay canug ajaanib ah oo aan la wehlin oo miyaad codsatay magangaliyada caalamiga ah? Waxaad heleysaa warbixin wax ku ool ah ee ku saabsan hab raacaaga magangaliyada halkaan.

CGRS (CGRA/CGVS) ayaa ka heleyso codsigaaga Xafiiska Socdaalka. CGRS ayaa ku baarayo codsigaaga magangalyada sida ku saleysan wareysi. Inta lagu jiro wareysiga, waxaad heleysaa fursada lagu sharaxayo sababta aad u weydiineysid Bellgium magangalyo.

U diyaargarowga wareysiga

Adiga, masuulkaaga iyo qareenkaaga ayaa helayo casuumaad wareysiga ah. Adiga iyo masuulkaaga waa inuu joogaa wareysiga. Waxaa sidoo kale wanaagsan in qareenkaaga uu ku caawiyo.

Wareysiga ka hor, hubi inaad aruurisid sida badan ee warbixinta iyo dokumintiyada ee suurtogalka ah, la xiriiro

  • aqoonsigaaga iyo da’da
  • safarkaaga ku aadan Belgium
  • sababaha sababta aad u soo qaxday
  • sida suurtogalka ah meesha deegaanka qoyskaaga

CGRS ayaa u baahan warbixin lagu qabanayo codsigaaga sida qotoda dheer ee suurtogalka ah. Masuulkaaga iyo qareenkaaga ayaa kugu caawinayo inaad isu keentid warbixintaan.

Wareysiga carruurta yar

Sidee ayuu wareysiga u soconayaa?

Wareysiga ayaa lagu qabanayaa qol ku yaal dhismaha CGRS ee ku yaalo Brussels. Sarkaalka ilaalada ee ka socdo CGRS ayaa ku wareysanayo. Sarkaalka magangalyada ayaa waaya arag u leh carruurta wareysaneyso oo kugu caawinayo inuu si cad kuugu sheego sheekadaada ee erayadaada gaarka ah.

Sababtoo ah waxaad weli tahay canug, CGRS makaa filaneyso inaad ogaatid jawaabaha ee dhammaan su’aalaha.

Waxaa wanaagsan inaad dhahdid inaadan wax garaneyn, badelkii aad been ka sheegi laheyd ama aad wax isku xiri laheyd.

Haddii aadan ku hadlin af Dutch ama Faransiis, waad codsan kartaa turjubaan. Turjubaanka ayaa hubiyo in adiga iyo sarkaalkaaga magangalyada uu fahmi karo midba midka kale.

Sidoo kale waad codsan kartaa in qofka aad aaminsantahay kugu wehliyo wareysiga. Kani waa qofka weyn ee aad aaminsantahay, tusaale ahaan cilmi nafsiilaha, macalinka ama shaqaalaha bulshada.

CGRS ayaa sidoo kale ku casuumi karto xubinta qoyska, tusaale ahaan walaalkaaga ama eedada, wareysiga, si ay u xaqiijiso xaaladaada.

Baaritaanka

Waxaa xiggo wareysiga, sarkaalka magangalyada ayaa baarayo codsigaaga oo magangalyada caalamiga ah.

Isaga ama iyada ayaa hubineyso qeybo kala duwan:

  • ku kalsoonaanta sheekadaada
  • dokumintiyada aad aruurisay si aad u taageertid sheekadaada
  • xaalada wadankaaga asalka ah, ama wadanka meesha aad joogtay

CGRS ayaa tixgelineyso da’daada, taariiqdaada iyo baahiyada.

Baaritaanka kadib, CGRS ayaa kuu soo direyso warqad go’aankooda ah. Masuulkaaga iyo qareenkaaga ayaa helayo isla warqada.